Ugu yaraan saddex dalxiisayaal oo dhalasha ahaan ka soo jeeda Faransiiska ayaa ku geeriyooday dalka Cumaan ka dib markii doonidii ay saarnaayeen ay ku qalibmatay biyaha ku dhow caasimadda Muscat, sida ay sheegeen booliiska.
Booliiska Boqortooyada Cumaan ayaa Talaadada maanta ah sheegay in doonida ay saarnaayeen 25 dalxiise oo Faransiis ah, iyo sidoo kale hage dalxiis iyo kabtan, xilli ay ku qalibmatay Badda Cumaan. Saddex qof ayaa ku dhintay, halka laba kalena ay dhaawacyo fudud soo gaareen.
Booliiska ayaa sheegeen in baaritaanno wali socdaan si loo ogaado duruufaha keenay shilka, iyagoo xusay in faahfaahin dheeraad ah la bixin doono marka baaritaannada la dhammeeyo.




