Murkomen oo dhiirrigelinaya dib u habaynta booliiska iyadoo cabashooyinka xadgudubka ay sii kordhayaan

0
232

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Kipchumba Murkomen, ayaa sheegay in dhacdooyinkii dhawaan ee xadgudubyada booliiska ee ka dhacay qaybo ka mid ah dalka ay sabab u noqdeen in dib loola yeesho wada shaqeyn madaxda booliiska si loo xakameeyo musuqmaasuqa loona soo celiyo kalsoonida shacabka ee hay’adda. Murkomen ayaa shacabka u xaqiijiyay in dowladda ay qaadi doonto tallaabo adag oo ka dhan ah askarta ku lugta leh xadgudubyada xuquuqda aadanaha.
Murkomen ayaa shaaca ka qaaday in wasaaradda ay wadahadallo la yeelatay Taliyaha Guud ee Booliiska iyo ku xigeennadiisa si loo hubiyo in askarta lagu eedeeyay inay dhibaateeyeen dad in si dhow loola socdo shaqadooda oo tallabo laga qaado. Waxaa uu tilmaamay in qaar ka mid ah xadgudubyada ay la xiriireen dhibaatooyin caafimaad maskaxeed iyo cabitaanka khamriga, isagoo amar ku bixiyay in askarta laga shakiyo inay shaqada u qalmin lakala diro.
Isagoo booqasho ku joogo dowlad deegaanka Kisumu ayuu waxaa uu diiradda saaray diyaar garowga Adeegga illaalada Xeebaha dalka, oo la aasaasay 2018-kii si ay u ilaaliso kheyraadka badda, xuduudaha, iyo amniga dalka.
Murkomen ayaa adkeeyay in dowladda ay ka go’an tahay booliis xirfad leh, lala xisaabtami karo, oo sharciga u hogaansan, iyadoo askarta xadgudubka sameeya la ciqaabi doono, kuwa u baahan dib u habeynna laga saari doono shaqada xilli hore.