Mamady Doumbouya, oo ah jeneraal hoggaamiyay afgambigii militari ee ka dhacay Guinea sanadkii 2021-kii, ayaa loo dhaariyay madaxweynaha dalkan ku yaalla Galbeedka Afrika.
Munaasabadda dhaarinta oo dhacday Sabtidii ayaa lagu qabtay hortooda tobannaan kun oo taageerayaal ah iyo dhowr madaxweyne oo Afrikaan ah, ka dib markii Doumbouya lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashadii dhacday bishii hore.
Doorashadaas ayaa ahayd tii ugu horreysay tan iyo markii uu xilka ka tuuray madaxweynihii hore Alpha Condé afar sano ka hor. Inkastoo markii hore uu ballanqaaday inuusan u tartami doonin madaxtinimada ka dib afgambiga, Doumbouya ayaa ugu dambeyn isu soo taagay xilka, isagoo la tartamay siddeed musharrax oo kale.




