Wasiirka wasaarada Amniga XFS Xasan Xundubeey Jimcaale oo ka qaybgalay Xaflad lagu dacsiinayay askar Booliska Soomaaliya ka tirsan ayaa sheegay in Umadaan Soomaaliyeed ay kooxaha Argagaxisada ah ay mudo badan Farxadii ka qaadaeen Ciidanka Booliska Soomaaliyeedna ay dalka iyo dadka u abuurayaan Farxad iyo Nabada ay umadu ku naalooto.
Wasiirka amniga Soomaaliya Xasan Xundumeey Jimcaale ayaa sheegay inay Markasta Qirsan yihiin waxqabadka Ciidanka amaanka Soomaaliyeed wuxuuna sidoo kale u Mahadceliyay Shacabka Soomaaliyeed oo dhankooda qayb ka ah daganaanshaha dalka.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdi Xassan Xijaar ayaa dhankiisa Ciidanka booliska Soomaaliyeed Wuxuu faray inay shacabka u turaan ayna ka dheeraadaan waxkasta oo shacabka Dhibaato ku ah.