6 qof oo ku dhimatay Waqooyi galbeed Pakistan

0
532

Lix qof, oo u badan carruur, ayaa dhintay shan kalena way dhaawacmeen ka dib markii saqafka guri uu ku dumay gobolka Khyber Pakhtunkhwa ee Waqooyi galbeed Pakistan, sida uu sheegay sarkaal samatabbixin ah.
Shilka ayaa dhacay abbaare 4-tii subaxnimo Axadda maanta ah kaasoo ka dhacay aagga Shabqadar ee degmada Charsadda, halkaas oo dhowr haween iyo carruur ah ay ku xayirmeen burburka ka dib markii uu dhismaha dumay, sida laga soo xigtay hay’adda dowladda ee samatabbixinta.
Dadka dhaawacmay waxaa la siiyay gargaar degdeg ah waxaana loo qaaday isbitaal ku dhow sida uu sheegay sarkaalka.