Wargeyska New York Times ayaa sheegay in ugu yaraan 40 qof ay ku dhinteen duqeymaha Mareykanka uu habeen hore ka geestay Venezuela.
Waxaa uu soo xigtay sarkaal aan la magacaabin oo u dhashay Venezuela oo ka hadlay natiijooyinka qiimaynta hordhaca ah. Wargeyska New York Times ayaa sheegay in dadka la dilay ay ku jiraan dad rayid ah iyo xubno militari ah, iyo in duqeyn cirka ah oo Mareykanka uu ku dhuftay dhisme saddex dabaq ah oo ku yaal xaafadda Catia La Mar, oo ku taal meel xeeb oo sabool ah oo galbeed ka xigta garoonka diyaaradaha ee Caracas.
Dadka la dilay ayaa waxaa ka mid ahayd haweeney 80 jir ah oo lagu magacaabo Rosa Gonzalez iyo qoyskeeda. Qof kale ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inuu ku dhaawacmay duqeynta.
Madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro iyo xaaskiisa Cilia Flores ayaa haatan ku suggan magaalada New York ka dib soo qabashadooda iyadoo madaxweyne Trump uu xalay shir jaraa’id ka sheegay in koox ka socota Mareykanka ay maamuli doonaan hoggaaminta Venezuela inta laga helaayo maamul si nabdoon ula wareega hoggaanka dalkaas.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in shirkadaha shidaalka ee Mareykanka ay bilaabi doonaan inay qodaan shidaalka Venezuela.




