Sacuudi Carabiya oo cambaareysay ansixinta Israa’iil ee Degaannada Cusub ee Daanta Galbeed ee la haysto

0
56

Sacuudi Carabiya ayaa Talaadadii cambaareysay ansixinta Israa’iil ee dhismaha 19 deegaan oo ku yaal Daanta Galbeed ee la haysto taasoo ka hor imaanaysa qaraarrada Qaramada Midoobay ee khuseeya.
War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa ku celceliyay baaqii Boqortooyada ee ahaa in beesha caalamka ay qaadato mas’uuliyadda joojinta xadgudubyadan.
Waxaa ay dib u cusbooneysiisay taageeradeeda aan kala go ‘lahayn ee ay u hayso dadka Falastiiniyiinta iyo dadaalkeeda joogtada ah ee lagu dhisayo dowlad madax bannaan oo Falastiini ah sida ku cad xuduudaha 1967, iyadoo Bariga Qudus ay tahay caasimadeeda, iyadoo la raacayo Hindisaha Nabadda Carabta iyo qaraarrada caalamiga ah.