Ururarada xuquuqda haweenka u dooda ayaa diiwaan geliyay ku dhawaad 1,300 oo kiis oo rabshado galmo iyo jinsi ah oo baahsan kana dhacay Suudaan, iyadoo Ciidamada Taageerada Degdegga (RSF-ta) lagu eedeeyay weerarrada ugu badan.
Ururka Istaraatiijiyadda ah ee Haweenka Geeska Afrika (SIHA) ayaa Khamiistii soo saaray natiijooyin muujinaya inay xaqiijiyeen 1,294 dhacdo oo ka dhacay 14 gobol tan iyo markii uu bilowday dagaalka ee Suudaan bishii April 2023-kii.
Shaacinta ayaa hoosta ka xariiqaysa sida rabshadaha galmada ay u noqdeen kuwo ku baahsan dalka sida ay sheegtay warbixinta, taas oo ah qayb ka mid ah waxa ay ururada samafalka ugu yeeraan dhibaatada bani’aadamnimada ee ugu weyn adduunka.




