Dibadbax laga cabsi qabo inuu saameeyo Portugal

0
152

Waxaa laga cabsi qabaa in saameyn ballaaran oo dhinacyo kala duwan ah ay ka dhalato dibadbax ay maanta sameynayaan ururrada shaqaalaha ee dalka Portugal.
Shaqo joojintan ayaa noqonaysa midii qaran ee ugu horreysay muddo 12 sano ah.
Waxaa looga soo horjeedaa isbeddello ay dowladda dalkaasi ku sameynaysa xuquuqda shaqaalaha.
Meelaha ay u badan tahay in ay saameynta soo gaarto waxaa ka mid ah gaadiidka dadweynaha, dugsiyada, maxkamadaha iyo isbitaallada.
Ra’iisul Wasaaraha Portugal Luis Montenegro ayaa dhankiisa ku adkeysanaya in isbeddellada oo ka kooban in ka badan 100 tallaabooyin ah ay yihiin kuwo lagu dardargelinaya kobac dhaqaale laguna wanaajinaya mushaaraadka.