Dowladda oo amartay in mushaaraadka shaqaalaha ismaamullada la bixiyo 3-da bil kasta

0
259

Madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha qaranka faray in ay xaqiijiso in mushaaraadka shaqaalaha ismaamullada la bixiyo ugu dambeyn 3-da bil kasta.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tani looga gol-leeyahay xal u helidda dib u dhaca ku yimaada bixinta mushaaraadka.
Kindiki ayaa maareeyaha miisaaniyadda dowladda amar ku siiyey dardargelinta in ismaamullada ay lacagahooda helaan xilliga habboon.
Shalay ayay ahayd markii aqalka madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi lagu qabtay shirka 12-aad ee isku duwidda howlaha ismaamullada iyo dowladda dhexe ee dalka.