Nin lagu helay xashiish oo lagu xiray Wajeer

0
1091

Adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa sheegay in ciidamada saldhigga booliiska ee Wajeer ay xabsiga u taxaabeen eedeysane lagu helay 30 xirmo oo xashiish ah.
Tani ayaa timid ka dib howlgal laga sameeyay Wajir Township.
Tuhmanaha oo aan magaciisa la shaacin ayaa la geeyay xabsiga waxaana lagu wadaa in maxkamadda loo gudbiyo.
Adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa intaasi ku daray in ay ka go’an tahay la dagaallanka maandooriyaha wuxuuna shacabka ka codsaday in ay ololahan garab siiyaan.
Waxaa sidoo kale Garissa lagu qabtay eedeysane loo haysto ka ganacsiga xashiishka.
Saraakiisha saldhigga booliiska ee magaalada Garissa oo adeegsanaya xog sirdoon ayaa shakhsigan ka qabtay aagga Heller wuxuuna maraya baaritaano dheeraad ah.