Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu diyaaradaha dagaalka ee F-35 ka iibin doono Sacuudi Carabiya habeenka booqashada aadka loo sugayo ee Amiirka Dhaxalsugaha iyo Raa’iisul Wasaare Maxamed Bin Salmaan ee magaalada Washington, taasoo ah booqashadiisii ugu horreysay ee uu ku tago Mareykanka muddo ka badan toddobo sano.
Iibinta diyaaradaha dagaalka ayaa ka mid ah heshiisyo waaweyn oo dhexmaray labada dal oo la filayo in lagu dhawaaqo booqashada ka dib.
Diyaaradaha F-35, oo lagu dhisay tiknoolajiyad qarsoon oo u oggolaanaysa inay ka fogaato ogaanshaha cadowga, ayaa loo arkaa diyaaradda dagaalka ee ugu horumarsan adduunka.




