In ka badan 300 oo qof oo Tanzaanian ah ayaa wajahaya dambigii ugu sarreeyay ee ka dhaca dalka, kaasoo ah khiyaano qaran. Dadka lagu soo oogay dacwadaha ayaa la xiray ka dib doorashadii guud ee la diiday dhammaadkii bishii hore, waxaana ku jira siyaasiyiin, dad saameyn ku leh, muwaadiniin caadi ah, iyo qaar da’doodu ka yartahay 13 sano.
Eedeymahan ayaa yimid iyadoo hoggaanka mucaaradka CHADEMA ay beeniyeen inay wadahadal la galeen dowladda ay hoggaamiso Samiya Suluuxu Xasan.
Ku xigeenka guddoomiyaha CHADEMA John Heche ayaa sheegay inaysan wax wadahadal ah la gelin maamulka madaxweyne Samiya.
Waxyaabaha ka soo kordhay Tanzania ayaa yimid iyadoo madaxa xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay Volker Türk uu ku baaqay in baaritaanno lagu sameeyo dilalka iyo xadgudubyada kale ee ka dambeeyay doorashadii 29-kii October ka dhacday Tanzania, iyadoo ay soo baxeen warar sheegaya in meydadka ay ciidamada ammaanka geeyeen goobo aan la shaacin.




