Qaramada Midoobay oo sheegtay in haweenka Darfur ay soo sheegeen kufsi loo gaystay

0
169

Haweenka ka cararaya magaalada al-Fashir ee dalka Suudaan ayaa soo sheegaya dilal, kufsi iyo carruurtooda oo la waayay ka dib markii ay magaalada la wareegeen Ciidamada Taageerada Degdegga ah ee (RSF-ta), sida ay Talaadadii sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan haweenka.
Qabsashadii al-Fashir ee 26-kii October ayaa xoojisay maamulka RSF ee gobolka Darfur dagaalka socda labada sano iyo barka iyadoo dadka ay tilmaamayaan dad rayid ah oo lagu toogtay waddooyinka laguna weeraray duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.