Madaxweynaha dalka Tanzania Samia Suluhu Xasan oo maalmo ka hor loo dhaariyay xilka madaxweynaha ayaa sheegtay in ay doonaysa in ay furto wada xaajood kala dhexeeya mucaaradka dalkaasi.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday madaxweyne ku xigeenka Tanzania Emmanuel John Nchimbi.
Tani ayaa imaanaysa hal maalin un ka dib markii la xiray Xoghayaha Guud ee xisbiga mucaaradka ee CHADEMA ee dalka Tanzania Amani Golugwa oo lala xiriirinaya shaqaaqooyinkii xilligii doorashada ee bishii hore.




