DHEGEYSO:Wasiir Murkomen oo wacad ku maray tallaabo ka dhan ah laaluush qaadashada xilliga shaqaaleysiinta booliiska

0
135

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Mr. Kipchumba Murkomen ayaa wacad ku maray in dowladdu ay tallaabo adag oo sharciyeed ka qaadi doonto cid kasta oo lagu helo laaluush qaadasho mise bixinta laaluushka marka la shaqaaleysiinaya saraakiisha ku biiraya booliiska dalka.
Xilli uu maanta ku sugnaa ismaamulka Bomet ayuu wasiirku xusay in la xiri doono cidii sidan sameyso kadibna maxkamadda loo gudbinaya.
Waxaa uu adkeeyay in ay lagama maarmaan tahay in shaqaaleysiinta ciidamada ammaanka ay noqoto mid daahfuran.
Si loola dagaallamo musuqmaasuqa , wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Kipchumba Murkomen ayaa shacabka ku boorriyey in ay muuqaallo ka duubaan dadka laaluushka bixinaya iyo kuwa qaadanaya labaduba.

Sidoo kale , wasiirka ayaa si adag uga hadlay tacaddiga jinsiyadeed iyo faraxumeynta carruurta oo uu sheegay in ay ku badan yihiin dowlad deegaanka Bomet.
Waxaa uu sheegay in aan marnaba dhacdo kufsi ama faraxumeyn ah aan lagu xallin karin wada hadal.
Wasiir Murkomen ayaa ka digay in bulshada ay u dulqaadato shaqaaqooyinka dhanka qoyska ee mararka qaar sababo dhimasho.
Waxaa uu intaasi ku daray in si wayn wax looga qabtay arrimaha nabadgalyada oo lala tacaalay burcadnimada iyo dagaal beeleedyadii horay u jiray.

Dhanka kale , taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka, Douglas Kanja ayaa xaqiijiyey in howlgelinta booliiska cusub guud ahaan deegaannada waddanka laga sameyn doono 17-ka bishan 11-aad.