Xeer-ilaaliyahshaTurkiga oo doonaya in la soo xiro mas’uuliyiin uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu

0
189

Turkiga ayaa ku dhawaaqay inuu soo saaray amar lagu soo xirayo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan dowladdiisa, taasoo la xiriirta eedeymaha xasuuq ka dhan ah dagaalka Qasa.
Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa soo saaray 37 waaran oo lagu soo xirayo mas’uuliyiinta Israa’iil oo lagu eedeeyay inay “xasuuq iyo dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada ka geysteen Qasa, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiska dacwad oogaha Istanbul, oo aan daabacin liiska oo dhan.
Dadka la amray in la soo xiro waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, Wasiirka Difaaca Israel Katz, Wasiirka Amniga Qaranka Itamar Ben-Gvir, iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka, General Eyal Zamir.
Israa’iil ayaa dhalleeceysay arrintan waxa ay ugu yeertay “dacaayad been ah”.