Askari hore oo Ingiriis ah oo ay mas’uuliyiinta Kenya raadinayeen ayaa ka soo muuqday maxkamad ku taal London ka dib markii la xiray isagoo lala xiriirinayo dilkii haweeney lagu dilay meel u dhow xero tababar oo ciidamada UK ku leeyihiin gudaha Kenya.
Bishii Sebtembar, Kenya waxay soo saartay amar xarig ah waxayna codsatay in loo soo gacan geliyo muwaadinka Ingiriiska ah oo lagu eedeeyay dilkii Agnes Wanjiru oo 21 jir ahayd.
Haweeneeyda ayaa lagu dilay magaalada Nanyuki sanadkii 2012-kii.
Wanjiru waxaa meydkeeda laga helay haan biyood ee Huteelka Lion’s Court ee magaalada Nanyuki .
Xiligii ay dadka ugu wardamaysay waxaa ay la socotay koox askari oo Ingiriis ah.
Maxkamadda Kenya oo furtay gal dacwadeedka dilka haweeneydaas ayaa amartay in askariga u dhashay dalka Ingiriis loo soo gacan galiyo dowladda Kenya.




