Booliiska Tanzania ayaa uga digay dadka inay wadaagaan sawirro internetka ah oo laga yaabo inay “argagax keenaan” hadda oo marin u helidda internetka dib loo soo celiyay ka dib dibadbaxyo la xiriira doorashada oo mucaaradka ay sheegeen in boqolaal qof ay ku dhinteen.
Xisbiga ugu weyn mucaaradka dalka ee CHADEMA ayaa sheegay inuu diiwaangeliyay boqolaal dhimasho ah ee dibadbaxyada, kuwaas oo dhacay ka dib doorashadii Arbacadii la soo dhaafay ay ku guuleysatay Samia Suluuxu Xasan.
Tanzaniyaanka ayaa loogu hanjabay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono hadii lagu helo inay baahiyeen sawirrada rabshadihii ka dhashay dibadbaxyada.




