Xoghayaha Guud ee xisbiga ODM ahna senatarka ismaamulka Nairobi Edwin Sifuna ayaa sheegay in ay fursad nololeed u ahayd inuu la kulmay oo uuna muddo la shaqeeyay ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Raila Amolo Odinga.
Waxaa uu sheegay inuu Siddeedii sano ee ugu dambeysay ahaa Xoghayaha Guud ee xisbiga.
Sifuna ayaa wacad ku maray inuu ka shaqeyn doono sidii xisbiga ODM uu u sii ahaan lahaa mid mideysan.
Senatarka Nairobi ayaa intaasi ku daray inuunan marnaba garab siin doonin cid kasta oo isku dayda in ay kala qaybsanaan ka dhex abuurto ODM.
Waxaa uu mar kale carrabka ku adkeeyay mowqifkii Raila Odinga ka hor inta uunan geeriyoon ee ahaa in ay lagama maarmaan tahay in xisbigan uu u diyaar garoobo ka qayb qaadashada doorashada guud ee sanadka 2027-da.
Wasiirka wasaaradda macdanta iyo kheyraadka badda ee dalka Cali Xasan Joho ayaa dhankiisa xusay in qofkii isku dayo inuu burburiyo xisbiga ODM , in shakhsigaasi xisbiga laga eryi doono.




