Laba qof oo ku dhimatay shil ka dhacay waddada isku xirta Eldoret iyo Malaba

0
233

Ugu yaraan labo qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen shil gaari oo ka dhacay deegaanka Mwamba, oo dhowr mitir u jira Suuqa Turbo ee ku teedsan wadada weyn ee isku xirta magaalooyinka Eldoret iyo Malaba.
Sida ay wararka sheegayaan shilkan ayaa yimid ka dib markii ay isku dhaceen labo baabuur ee kuwa xamuulka qaado ah habeenimadii Talaadada.
Sida ay sheegeen dadka goob joogga ahaa, baabuurta ayaa si howli ah ku koraayay buurtan oo la sheegay inay shilal badan ka dhaceen.
Illa hadda lama xaqiijin tirada saxda ah ee dadka ku dhaawacmay iyo tirada rakaabka saarnaa baabuurta.
Sida ay sheegayaan wararka kooxaha gurmadka iyo ciidamada booliiska ayaa goobta gaaray, waxaa ayna ku guuleysteen inay xakameeyaan dabka.
Waxaa haatan socda baaritaanno lagu ogaanayo sababta shilkan keentay.
Tani ayaa timid maalin ka dib markii hal qof uu dhintay dhowr kalena ay dhaawacmeen ka dib markii baska shirkadda Citi Hoppa uu shil ku galay xaruunta dhexe ee ganacsiga ee magaalada Nairobi.