IPOA oo cambaareysay dilalka saraakiisha ammaanka ka dib geerida dable ka mid ahaa ilaalada Madaxtooyada

0
160

Maamulka madaxa banaan ee kormeera howlaha booliiska (IPOA) ayaa walaac xoogan ka muujiyay kororka naxdinta leh ee weerarada iyo cadaawadda lagula kacayo xubnaha ka tirsan Adeegga Qaran ee Booliiska, iyadoo ku nuuxnuuxsatay in falalkan oo kale ay halis ku yihiin amniga guud iyo horumarka dib u habeynta booliiska.
Warbixin ay soo saartay Isniintii ayay IPOA ku sheegtay in dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee rabshadaha, burburka hantida booliiska, iyo khasaaraha nafeed ay bixinayaan sawir murugo leh oo muujinaya xiisad sii kordhaysa oo u dhaxaysa qaar ka mid ah dadweynaha iyo saraakiisha fulinta sharciga.
Guddoomiyaha IPOA Isaaq Xasan ayaa tilmaamay dhacdooyin is daba joog ah oo ka dhacay Aqalka Madaxtooyada ee Nairobi, Garoonka Diyaaradaha ee Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta iyo Saldhigga Booliiska Kiganjo ee ismaamulka Kiambu inay yihiin tusaale ka mid ah dhacdooyinka naxdinta leh.
Isaaq Xasan ayaa sheegay in weeraradan aysan kaliya halis gelinayn nolosha saraakiisha balse ay sidoo kale wiiqayaan dadaallada lagu sugayo nidaamka iyo ilaalinta sharciga.
Maamulka ayaa tacsi u diray qoysaskii eheladooda ku waayay weeraradii ugu dambeeyay, waxaana ay hay’adaha ammaanka ka codsadeen in ay si deg deg ah u baaraan, gacantana lagu soo dhigo dadkii ka dambeeyay falalkan. IPOA ayaa waxaa kaloo ay ku boorisay dadweynaha inay is xakameeyaan ayna si xirfadeysan ula macaamilaan saraakiisha ammaanka.
Madaxa IPOA ayaa waxaa uu Kenyaanka xasuusiyay in walaaca ku saabsan hab dhaqanka booliiska lagu soo wargeliyo dariiqa saxda ah ee sharciga ah.