Muuqaal toos ah ayaa muujinaya basas siday qaar ka mid ah maxaabiista Falastiiniyiinta ee ay Israa’iil sii daysay oo soo gaaray magaalada Ramallah.
Israel waxay sii deyn doontaa 250 maxbuus oo Falastiiniyiin ah kuwaas oo lagu xukumay xabsi daa’in iyo in ka badan 1,700 oo qof oo ka soo jeeda magaalada Gaza.
Dhanka kale kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa siidaysay maanta dhamaan lahaystayaasha Israa’iil .
7 qof oo ay sii daayeen Xamaas ayaa lagu wareejiyay Militiriga Israa’iil,waxaana sido kale dhawaan ay Xamaas siidaysay 13 israa’iiliyiin ah kuwaas oo qeyb ka ah 20-ka maxabuus ee Israa’iil oo lagu heshiiyay in Xamaas ay fasaxdo.