Darawalka Xildhibaanka Kibra oo maanta ganaax lagu riday

0
164

George Oduor oo ah darawalka xildhibaanka Kibra ee Peter Orero, ayaa lagu ganaaxay lacag dhan Ksh.100,000 ka dib markii uu qirtay dambiga lagu soo oogay ee ah in uu xannibay isu socodka gaadiidka.
Oduor ayaa ka soo hor muuqday maxkamada taraafikada ee qeybteeda Milimani ka dib muuqaal laga soo duubay kaasi oo ku faafay baraha bulshada.
Dhacdadan ayaa ka dhacdan Waddada Oloitoktok ee gudaha magaalada Nairobi, isagoona lagu eedeeyay inuu si ku talagal ah u jabiyay sharciga wadooyiinka.
Maxkmada ayaa darawalka xildhibaanka fursad u siisay muddo 14 maalmood ah in uu racfaan ka qaato xukunka lagu riday.