Israa’iil iyo Xamaas oo xaqiijiyay in maxaabiis la siidaayay

0
92

Kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa dhawaan siieysay 7 maxaabiis oo israa’iiliyiin ah.
Hay’adda laanqeyrta cas ayaana lagu wareejiyay Maxaabiista kuwaas oo hadda ku sii jeeda Israa’iil.
Milatariga Israa’iil waxay isku diyaarinayaan inay la wareegaan maxaabiis kale oo Israa’iiliyiin ah oo la filayo in Xamaas ay ku wareejiso Red cross.
Xamaas ayaa la filaya in 20 maxaabiis ah ay ku wareejiso Militiriga Israa’iil halka dhanka Israa’iil iyaduna waxaa ay Xamaas ku wareejin doonta 2000 oo maxaabiis ah.
Dhanka kale Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa gaaray Israa’iil.
Trump ayaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta uu khudbad ka jeediyo Knesset-ka Israa’iil, isagoo markaas kaddib u duuli doona dalka Masar si uu u guddoomiyo shir madaxeedka heshiiska xabbad joojinta.