Golaha barasaabyada dalka oo maanta ka shiraya xaalada dhakhaatiirta Kiambu

0
131

Golaha baarsaabyada ismaamulada dalka ayaa maanta isugu yeeray shir wada tashi ah oo looga arinsanayo ismari waaga ka dhex taagan maamulka Kiambu iyo dhaqaatiirta caafimaadka ee Kenya iyo ururka dhaqaatiirta ee KMPDU, iyadoo sidoo kale ururka ay ku dhawaaqeen inuu maanta qorsheynayo banaanbaxyo waaweyn.
Warqad ku socota xubinta guddiga fulinta ee ismaamulka Kiambu ee dhanka caafimaadka, CoG ayaa ku wargalisay in kulanka uu ka dhici doono xafiskiisa Delta Corner ee magaalada Nairobi , iyadoo ujeedadu tahay in xal laga gaaro ismari waaga curyaamiyay adeegyada caafimaadka ee kowntigaas muddo ka badan afar bilood.
Dhanka kale, KMPDU ayaa ku dhawaaqday qorshayaal ay ku hogaaminayso mudaaharaad ballaaran oo ka dhacaya Kiambu Isniinta maanta.
Dhakhaatiirta ayaa maalinta 138aad ee shaqo joojinta ku guda jiraan – si ay uga mudaaharaadaan waxa ay ugu yeereen xaaladaha caqabado ee shaqada ka haysata dhakhaatiirta.
KMPDU ayaa si aad ah u dhaleeceysay maamulka baarsaabka dowlad deegaankaas Kimani Wamatangi, iyadoo sabab uga dhigtay ku guul dareysiga dowlada in ay xaliso ismariwaaga bilaha qaatay.