Kindiki oo xaqiijiyay horumarka loo siman yahay ee dhammaan gobollada dalka

0
283

Madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa u xaqiijiyay dadka deggan ismaamulka Narok in maamulka madaxweyne William Ruto ay ka go’an tahay in dalka oo dhan laga fuliyo horumar loo wada siman yahay, isagoo carabka ku adkeeyay in aan gobol laga reebi doonin horumarka iyadoo lagu saleynayo siyaasad ama qabyaalad.
Isagoo ka hadlayay intii lagu guda jiray madasha barnaamijka awood siinta dhaqaalaha ee Kojong’a ee Bariga Narok, Kindiki ayaa waxaa ku celceliyay in dhammaan hoggaamiyeyaasha laga soo doortay dalka oo dhan ay ka mid yihiin hal dowlad, Kenyana ay leedahay hal madaxweyne oo si siman ugu adeega dhammaan muwaadiniinta, iyadoo aan loo eegin cidda ay u codeeyeen.
Waxaa uu dadka xasuusiyay in dalka uu yahay hal qaran, oo wata hal calan iyo hal shacab.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa hoosta ka xariiqay dhowr mashruuc oo horumarineed oo ka socda ismaamulka Narok.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa uu xusay in qoondada hadda loo qoondeeyay aanay ku filnayn, waxaa uuna ballan qaaday inuu madaxweynaha iyo xildhibaanka deegaanka kala shaqayn doonaan si loo helo dhaqaale badan oo mashruucan ku baxa.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa kale oo uu mucaaradka u soo jeediyay inay ajandahooda iyo qorshahooda horumarineed u soo bandhigaan shacabka halkii ay ku mashquuli lahaayeen siyaasad qabyaaladaysan.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in aysan jirin cid dooranaysa qabiilka uu ka dhashay, isla markaana qof kasta oo Kenyaan ah uu dareemo in uu xor u yahay in uu ku noolaado, kana ganacsado meel kasta oo dalka ka mid ah.
Waxaa uu sheegay in dowladda ay si cad u qeexday qorshaheeda ku wajahan sidii loo dhisi lahaa suuqyo, wadooyin, iskuulo, xiriirinta korontada, barnaamiyada awood siinta dhaqaalaha iyo kuwo kale.
Hoggaamiyaha labaad ee waddanka ayaa intaas ku daray in ay iman doonto wakhti hoggaamiye kasta lagu qiimayn doono horumarkiisa iyo in madaxda ay ku tartamaan afkaar iyo horumar oo aanay ku tartamin qabyaalad iyo kala qaybin balse ay ku tartamaan horumar la taaban karo.