Walaac laga muujiyay laba qof oo ku geeriyooday gacanta booliiska 48-dii saac ee la soo dhaafay

0
342

Waxaa isa soo taraya cadaadiska saaran Adeegga Qaran ee Booliiska NPS ka dib markii 48-dii saac ee la soo dhaafay labo nin ay ku geeriyoodeen gacanta booliiska.
Mid ka mid ah dadka la sheegay inuu dhintay waa nin 30 jir ah oo ka soo jeeda deegaanka Koonfurta Gatundu, kaas oo la sheegay inuu liqay 20 duub oo xashiish ah ka hor dhimashadiisa.
Madaxa hay’adda Vocal Africa Xuseen Khalid ayaa xaqiijiyay warka habeenimadii xalay isagoo sheegay Paul Njuguna uu xabsiga ku jiray maalmo ka hor inta uusan dhiman.
Njuguna ayaa 9-kii bishan October lagu xiray saldhigga booliiska Kiganjo ee deegaan barlamaaneedka Koonfurta Gatundu ee ismaamulka Kiambu.
Khaalid ayaa waxaa uu sheegay in goob joogayaal ay sheegeen in ay arkayeen ciidamo boolis ah oo garaacaya ninkan ka hor inta aan loo taxaabin xabsiga.
Si kastaba ha ahaatee, saraakiisha booliiska ayaa sheegay in uu u dhintay liqitaanka xashiiska.
Warbixintan ayaa kusoo beegmaysa saacado un kadib markii nin kale oo Kenyaan ah oo lagu magacaabo Eric Kiptanui Koros uu ku dhintay xabsiga Solai ee ismaamulka Nakuru.