Dowladda oo amartay in baaris cusub lagu sameeyo shahaadooyinka tacliimeed ee dhammaan shaqaalaha rayidka ah

0
335

Dhammaan Wasaaradaha, waaxyaha iyo hay’adaha dowladda ayaa la faray inay baaris cusub ku sameeyaan shahaado sharafeedka aqooneed iyo xirfadeed ee qof kasta oo shaqaale dowladeed ah, iyadoo Guddiga Shaqaalaha Dowladda (PSC) uu xoojiyay dadaallada lagu xakamaynayo kiisaska soo kordhaya ee shahaadooyinka been abuurka ah.
Guddiga ayaa sheegay in howsha xaqiijinta aysan ku koobnaan doonin saraakiisha la shaqaalaysiiyay tobankii sano ee la soo dhaafay balse ay dabooli doonto dhammaan shaqaalaha dowladda iyadoo aan loo eegin goorta ay ku soo biirayaan adeegga.
PSC ayaa sheegtay in go’aankan uu ka dhashay cadaymo isa soo taraya oo muujinaya wax isdaba marin baahsan, taasoo ay ka digtay inay meesha ka saartay kalsoonidii lagu qabay nidaamka waxbarasho ee dalka, isla markaana wiiqday shaqaaleysiinta iyo dalacsiinta shaqaalaha dowladda ee ku salaysan mudnaanta.
Guddiga PSC ayaa waxaa uu faray dhammaan saraakiisha iyo madaxda hay’adaha inay ku wargeliyaan shaqaalahooda howsha xaqiijinta ee socota ayna xaqiijiyaan ka qaybgal buuxa.
PSC ayaa waxaa kale oo ay ka digtay in u hogaansanaan la’aanta awaamiirtan cusub ay soo jiidan karto talaabo anshax marineed oo waafaqsan Xeerarka Guddiga Shaqaalaha Dowladda.