Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in guddoomiyaha KANU Gideon Moi uu aqbalay in uu la shaqeeyo iyada oo la raacayo nidaam sal ballaaran oo dowladeed oo looga dan leeyahay in lagu mideeyo Kenyaanka iyo dardargelinta isbeddelka qaranka.
Ruto ayaa hadalkan ku dhawaaqay ka dib kulan uu Jimcihii magaalada Kabarak ee ismaamulka Nakuru kula yeeshay wufuud ka socotay xisbiga KANU oo uu hoggaaminaayay wilka madaxweynihii hore ee dalka Daniel Arap Moi laba maalmood ka dib markii ay wada hadal la mid ah ku yeesheen Aqalka Madaxtooyada ee Nairobi.
Madaxweynaha ayaa ku macneeyey in go’aankiisa ku aadan la shaqeynta Moi iyo KANU ay ku qotonto sida ay uga go’an tahay in dhammaan dadka Kenyaanka ah la isugu keeno qorshaha horumarinta dalka.
Dr Ruto ayaa carabka ku adkeeyay in wada shaqeynta ay tahay mid ku wajahan danta qaranka halkii ay ka ahaan lahaayeen siyaasad ama dano gaar ah.
Waxaa kaloo uu xusay in Kenya ay u baahan tahay “gacmo badan iyo niyad wanaag ballaaran” si loo gaaro ajendaha isbeddelka, isagoo caddeeyay in maamulkiisa uu xasiliyay dhaqaalaha oo hadda uu fulinayo mashaariic horay u hakaday.
Dhiniciisa, Gideon Moi ayaa shaaca ka qaaday in go’aankiisa ku aadan la shaqeynta dowladda ay sabab u tahay rabitaan uu ku doonayo inuu ku dhameystiro mashaariicda horumarineed ee muhiimka ah ee ka socda ismaamulka Baringo iyo gobolada kale ee dalka.
Xoghayaha guud ee KANU George Wainaina ayaa xaqiijiyay in xisbiga uu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo maamulka madaxweyne Ruto, halka xildhibaanka laga soo doorto Kilgoris Julius Sunkuli uu ku amaanay Mr Moi tallaabada geesinimada leh ee uu ku taageeray midnimada qaranka.