Dowladda ayaa waxaa ay dib u xoojisay ballanqaadkeeda ku aaddan wax ka qabashada khatarta sii kordhaysa ee xog warranka iyo been abuurka.
Afhayeenka dowladda dhexe Isaac Mwaura iyo wasiirka dalxiiska Rebecca Miano ayaa sheegay in dadka Kenyaanka ah lagu quudiyo warar been abuur ah oo ay wadaan mucaaradka, tallaabadaas oo keentay in dad badan ay sumcadda ka dilaan dowladda oo ay ka aamin baxaan.
Si kastaba ha ahaatee, labada mas’uul ayaa sheegay in dowladda ay dhageysanayso shacabka iyo caqabadaha hortaagan, iyagoo dhanka kalena sharraxaad ka bixiyay barnaamijyo iyo mashaariic muhiim ah oo ay dowladda fulinayso.
Waxaa ay ka hadleen garoonka Ol-Joro orok ee ismaamulka Nyandarua xilli ay ka socotay madal ay dadweynuaha ku wada xaajoodeen oo ay xuseen in wararka been abuurka ah ee mucaaradka ay faafiyaan oo aan la xakameyn ay si weyn u baabi’inayaan qaranimada dalka, iyaga oo carabka ku adkeeyay in kenyaanka looga baahan yahay in ay runta iyo beenta ka gartaan.
Waxaa ay xuseen in xog la’aanta shacabka ay keentay in qaar badan oo ka mid ah ay waayaan kalsoonida ay ku qabaan dowladda balse waxa ay ku baaqeen in loo baahan yahay in dal ahaan looga fiirsado arrimahan.
Waxaa ay intaa ku dareen tiro mashaariic horumarineed oo muhiim ah oo ay dowladda ka waddo guud ahaan dalka oo ay ka mid yihiin dhismaha mashruuca guryo la awoodi karo, korontada miyiga, hagaajinta waddooyinka waaweyn iyo kuwo kale.
Madaxda ayaa waxaa ay ku booriyeen dadka Kenyaanka in ay dowladda ku taageeraan horumar la taaban karo, waxaa ayna carrabka ku adkeeyeen in dadka Kenyaanka ah ay heli karaan oo keliya adeegyada muhiimka ah sida kaabayaasha waddooyinka iyo biyaha oo la hagaajiyo iyada oo loo marayo dowladda, iyaga oo eedeeyn u jeediyay kuwa ka soo horjeeda qorshe kasta oo horumarineed.
Home Wararka Kenya Dowladda oo sheegtay inay ka hortagi doonto hadalada marin habaabinta ee mucaaradka