5.7 milyan oo ku nool dalka Haiti oo la ildaran gaajo

0
504

In ka badan kala bar dadka Haiti ayaa la kulma heerar gaajo daran iyadoo kooxaha hubeysan ay sii adkeynayaan qabashadooda guud ahaan dalka Kariibiyaanka.
Waddanka Haiti ayaa la daaladhacaya dhaqaala xumo baahsan.
Warbixin ay Jimcihii soo saartay hay’adda Isku-dhafka Haqab-beelka Cuntada (IPC) ayaa lagu ogaaday in ilaa 5.7 milyan oo Haiti ah ay soo food saartay cunto yari daran.
Qalalaasuhu waxa uu halis gelinayaa in uu ka sii daro iyada oo rabshadaha kooxaha burcadda ah ay barakiciyeen qoysaska, burburiyeen wax soo saarka beeraha, kana hor istaagaya in gargaarka la gaarsiiyo kuwa aadka ugu baahan.