Putin oo tilmaamay xiriirka kala dhexeeya Tajikistan inuu yahay mid la isku halleyn karo

0
1012

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa maanta sheegay in iskaashiga waddankiisa kala dhexeeya Tajikistan uu yahay mid la isku halleyn karo.
Putin ayaa billaabay booqasho qaran oo uu ku tagayo badhtamaha Aasiya, halkaas oo uu wadahadal kula yeeshay dhiggiisa Tajikistan Emomali Rahmon.
Isagoo muujiyay in xiriirka Ruushka iyo Tajikistan uu si aad ah u wanaagsan yahay uuna u kobcayo dhammaan dhinacyada, Putin wuxuu sheegay in xiriirkooda ganacsi iyo dhaqaale uu ku socdo si xowli ah.
Ganacsiga labada dhinac ayaa kor u kacay boqolkiiba 17 toddobadii bilood ee ugu horeysay sanadkan.
Madaxweyne Putin oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ay sidoo kale qorsheeyeen dhowr tallaabo oo muhiim ah inta uu ku guda jiro booqashadiisa Tajikistan.