Dagaal culus oo ka qarxay dalka Suuriya

0
713

Isku dhacyo ba’an ayaa xalay ka dhacay gobolka koonfureed ee Sweida kuwaaso dhex maray ciidamada militariga Suuriya, oo ay taageerayaan ciidamada xulafada ah, iyo Ilaalada Qaranka, oo ah ciidan ka tirsan kuwa Druzeta ee laga sameeyay Sweida.
Waxaa sidatan sheegay ilo-wareedyo ka tirsan Kormeerayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Suuriya.
Dagaalka ayaa xooggiisa ka dhacay waqooyiga iyo waqooyi-galbeed ee magaalada Sweida.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka culus, midka dhexe iyo qoryaha darandooriga u dhaca ee 23mm, sida uu sheegay xafiiska warfaafinta.
Ilaa hadda ma jiro war sugan oo ka soo baxay khasaaraha labada dhinac soo kala gaaray.
Gobolkan ayaa weli ku jira heegan sare iyadoo laga cabsi qabo in iska horimaadku uu faafo.
Sweida, oo ah gobolka ay u badan yihiin Druzeta, ayaa waxaa tan iyo bartamihii bishii toddobaad ee July ka taagnaa xiisad bini’aadantinimo oo aad u culus ka dib isku dhacyo diini ah oo ay dad badan ku dhinteen iyo duqeymo ay Israa’iil ka geysatay aaggaas ayna joojisay sahaydii muhiimka ahayd.