Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee (IEBC) ayaa ka codsaday Qaramada Midoobay taageero farsamo iyo mid istaraatiijiyadeed oo la xoojiyey ka hor doorashada guud ee 2027, taasoo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo daacadnimada doorashada iyo awoodda hay’adaha.
Guddiga ayaa waxaa uu kulan wada tashi ah la yeeshay kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan qiimaynta baahiyaha doorashada (NAM) ee Kenya, kulankaas oo lagaga wada hadlay arrimo la xiriira sidii la iskaga kaashan lahaa u diyaar garowga doorashada iyo maamulka.
Wafdiga Qaramada Midoobay, oo uu hoggaaminayo Akinyemi Adegbola, Lataliyaha Sare ee Doorashada ee Qeybta Kaalmada Doorashada ee Qaramada Midoobay (EAD), ayaa u xaqiijiyay guddiga sii wadida iskaashiga looga gol leeyahay in lagu joogteeyo mowqifka dalka ee ah tusaale dimoqraadiyadeed ee Afrika iyada oo loo marayo qabashada doorashooyin lagu kalsoonaan karo, hufan, oo loo dhan yahay.
Adegbola ayaa waxaa uu xusay in Qaramada Midoobay ay dib u eegis ku sameyn doonto oo ay si istiraatijiyad ah u waafajin doonto kaalmadeeda IEBC ee mudnaanta la aqoonsaday si loo xaqiijiyo taageerada waqtiga iyo waxtarka leh ee ka hor doorashooyinka 2027.
Dhankiisa Guddoomiyaha IEBC Erastus Edung Ethekon ayaa dib u xaqiijiyay ka go’naanta guddiga ee xoojinta nidaamyada howlgalka iyo kalsoonida daneeyayaasha iyada oo loo marayo ka qaybgal hore iyo wadashaqeyn habaysan.
Guddoomiyaha ayaa waxaa uu iftiimiyay meelaha muhiimka ah ee ay guddiga taageero uga baahan yihiin oo ay ku jiraan ka qayb galka dhallinyarada, ka mid noqoshada codbixiyayaasha, xiriirka istiraatijiyadeed, kobcinta awooda, amniga doorashada iyo ka hortagga colaadaha, wada hadalka qaabaysan ee daneeyayaasha, iyo ololaha waxbarashadda codbixiyayaasha.
Waxaa xooga lasaaray gaar ahaan taageerada tignoolajiyada si looga hortago khataraha dhijitaalka ah ee soo ifbaxaya sida wararka been abuurka, xog wareerka, iyo been abuurka qotodheer ee garaadka macmalka AI, iyo sidoo kale baahida loo qabo in la dhiso awooda kooxaha IEBC ee masuulka ka ah la socodka dhijitaalka ah, isgaarsiinta, iyo macluumaadka dadweynaha.
Ethekon oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in tan iyo markii uu xafiiska la wareegay guddiga hadda jira, in ay qaadeen tillaabooyin ula kac ah si loo helo caddayn howleed, xoojinta qaab dhismeedka hay’adaha, iyo dib u soo celinta kalsoonida shacabka ee hannaanka doorashada.
Kulankan ayaa qayb ka ah wada shaqaynta balaaran ee uu guddiga la yeelanayo hay’adaha horumarineed ee ay wada shaqaynta leeyihiin iyo dhinacyada ay khusayso iyadoo uu isku diyaarinaayo doorashada guud ee 2027-ka iyo doorashooyinka dadban ee bisha soo socota.




