UoN oo ugu baaqday macalimiinta jaamacada inay dib shaqada ugu soo laabtaan Isniinta

0
132

Jaamacadda Nairobi (UoN) ayaa ku amartay shaqaalaha tacliinta inay shaqada dib u bilaabaan maalinta Isniinta 6-da bishan October iyadoo ay socoto shaqo joojinta macallimiinta dalka oo dhan.
Tani ayaa waxaa ay daba socotaa amar ka soo baxay Maxkamadda Shaqada iyo Xiriirka Shaqaalaha (ELRC) ee 19-kii bishii hore ee September kaasoo hakiyay shaqo joojin ay ku baaqeen Ururrada shaqaalaha Jaamacadaha UASU, KUSU iyo KUDHEIHA.
War qoraal ah oo uu soo saaray Prof. Ayub Gitau, Ku simaha Ku Xigeenka Waxbarashadda ayay hay’addu ku tilmaantay shaqo joojinta mid aan la ilaalin.
Muddo ku dhow saddex toddobaad ah ayay barayaasha jaamacadda waxaa ay bilaabeen shaqa joojin iyagoo wacad ku maray inaysan dib u bilaabi doonin shaqada ilaa laga fulinayo dalabaadkooda ku saabsan Heshiisyada gorgortanka Wadajirka ah (CBAs).