Dhakhaatiirta oo ku hanjabay bannaanbax isbuuca soo socda

0
123

Ururka ay ku midhaysan yihiin dhakhaatiirta dalka ee (KMPDU) ayaa ku hanjabay inay abaabuli doonaan shaqa joojin qaran laga bilaabo Isniinta isbuuca soo socda si ay u garab istaagaan asxaabtooda ku sugan ismaamulka Kiambu, iyagoo ku sababeeyay inuu ku guuldareystay maamulka dowlad deegaankaas inuu xaliyo ismari waa daba dheeraaday oo hadda gaaray 128 maalmood.
War qoraal ah oo la soo saaray Sabtidii shalay ayuu ururka waxaa uu ku eedeeyay maamulka barasaab Kimani Wamatangi in uu iska indha tiray heshiiskii dib ugu noqoshada shaqada ee la saxiixay sanadkii hore iyo in uu dayacay dhibka soo gaaray dadka deegaanka.
Ururkan ayaa shaaca ka qaaday inuu qorsheynayo banaanbaxyo ay kala qayb galayaan qoysaska ay dhibaatada saameysey oo ay ku jiraan hooyooyinka ay ka geeriyoodeen dhallaankii ay dhaleen, iyagoo sheegay inay bilow u noqon doonaan ololaha guud ee dalka oo dhan haddii aan xaaladda la xalin.
KMPDU ayaa waxaa ay ka digtay in haddii aan tallaabo la qaadin 14 maalmood gudahood, Golaha La talinta Qaranka uu kulmi doono si uu u cunaqabateeyo tallaabo warshadeed oo dalka oo dhan ah si ay u garab istaagaan dhakhaatiirta Kiambu ee shaqo joojinta sameeyay, isaga oo intaa ku daray in ay sidoo kale u gudbin doonaan codsi madaxweyne William Ruto, oo ay saxeexeen in ka badan 30,000 oo qof oo deggan Kiambu, oo ku baaqaya in uu soo farageliyo arrintan.