Israa’iil ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay 70 ruux ku dishay Qaza ka dib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku amray inay joojiyaan duqeynta Qaza.
Ugu yaraan 45 ka mid ah dadka shalay lagu dilay duqeynta ay ciidamada Israa’iil ka geesteen Marinka Qaza ayaa waxaa ay ku noolaayeen magaalada go’doonsan ee Qaza oo ay muddo bil ah militariga Israa’iil ay duulaan cusub ku barakiciyeen in ka badan 1 milyan oo qof.
18 qof ayaa lagu dilay halka dhowr kalane lagu dhaawacay duqeyn ay ciidamada ku qaadeen guryo la deggan yahay eek u yaalo xaafada Tuffah ee magaalada Qaza sida ay warbaahinta u sheegeen ilo caafimaad.
Warbixin ay bartooda Telegram-ka soo dhigeen hay’adda difaaca madaniga ayaa waxaa ay ku sheegen in dadka shalay geeriyooday ay ka mid ahayeen ilaa iyo 7 caruur ah oo da’dooda u dhaxeeyso 2 bilood iyo 8 sano.
Trump ayaa gelinkii dambe ee Sabtida waxaa uu Xamaas kula taliyay in ay si degdeg ah u soo dayaan maxaabiista ay ku hayaan Qaza si loo dhamaystiro qorshaha nabadda ee Qaza.
Qoraal kale oo uu bartiisa TruthSocial soo dhigay ayuu madaxweynaha Mareykanka ku sheegay in Israa’iil ay aqbashay inay ciidamadeeda kala soo baxdo Marinka Qaza ka dib markii ay Xamaas ogalaato siidaynta maxaabiista Israa’iil.