Maamulka SHA oo hindise cusub ku bixin doono adeegyada degdega ah si bilaash ah

0
147

Dowladda ayaa ku dhawaaqday in dadka Kenyaanka ah ay heli doonaan adeegyo degdeg ah oo lacag la’aan ah oo ay bixiso maamulka caafimaadka bulshada (SHA).
War qoraal ah oo ay soo saartay Madaxa Fulinta ee SHA, Mercy Mwangangi ayaa waxaa ay ku sheegtay in adeegyada bilaashka ah ay heli doonaan dadka Kenyaanka ah ee u diiwaan gashan SHA iyo kuwa aan ka midka ahayn maamulka.
Sida ku cad hindisahan cusub, SHA ayaa waxaa ay dabooli doontaa ilaa 4,500 oo shillin si qof looga soo qaado meel xaruunta caafimaad u jirta ilaa 25 kiiloomitir waxaa ayna bixin doontaa 24-ka saacadood ee ugu horreeya adeegyada degdegga ah ee dhammaan muwaadiniinta.
Intaa waxaa dheer, Mwangangi ayaa waxaa ay shaaca ka qaaday in Maamulka uu sidoo kale dhisi doono Xarunta Diritaanka Ambalaaska ee Qaranka si ay isugu duwo jawaab celinta xaaladaha degdega ah ee dalka oo dhan.
Sida laga soo xigtay Mwangangi, shakhsiyaadka ayaa wici doona lambar loo qoondeeyay, taasoo awood u siinaysa aqoonsiga goobta ay ku sugan yihiin in si degdeg ah loogu diro ambalaas.
Madaxa Fulinta ee SHA ayaa waxaa ay caddeeysay in marka ay dhammaato 24-ka saac, shakhsiyaadka ka diiwaan gashan Sanduuqa Caymiska Caafimaadka Bulshada (SHIF) ay kharashkooda bixin doonto SHIF. Kuwa aan lahayn SHIF ay ku qasbanaani doonaan inay jeebkooda ka bixiyaan.
Tallaabadan ayaa la filayaa inay gacan ka geysato dhimista kiisaska dhimashada hooyada, dhimashada shilalka waddooyinka, iyo tirada dhimashada carruurta.
Kahor ku dhawaaqista SHA, Golaha ay ku midhaysan yihiin dhakhaartiirta dalka ee (KMPDC) ayaa faray dhammaan ambalaasyada iyo bixiyeyaasha daryeelka degdegga ah ee dalka oo dhan inay iska diiwaan geliyaan golaha si loo kordhiyo adeegyada daryeelka caafimaadka degdegga ah ee dalka.
Ogeysiis dadweyne oo uu soo saaray Isniintii 9-kii bishii hore ee September ayuu Madaxa Fulinta ee Golaha, David Kariuki waxaa uu ku sheegay in dhammaan shaqaalaha daryeelka degdegga ah, oo ay ku jiraan kalkaalisooyinka caafimaadka, farsamoyaqaannada caafimaadka degdegga ah (EMTs), howlwadeennada ambalaaska, iyo shaqaalaha kale ee daryeelka caafimaadka ee bixiya daryeelka isbitaalka ka hor sidoo kale looga baahan yahay inay iska diiwaangeliyaan golaha.
Kariuki ayaa sheegay in diiwaangelinta adeegyada ambalaaska ay muhiim u noqon doonto in la hubiyo in adeegyada ambalaaska ay ku shaqeeyaan heerarka la dajiyay ee dalka, marka lagu daro taageeridda howlgelinta qaybta adeegyada degdegga ah ee hoos timaada Sanduuqa xaaladaha degdega ah ee SHA, xanuunada halista ah iyo Sanduuqa Cudurrada Daba dheeraada.