Dadka ku nool Nairobi oo xalay ilaa saaka saameyn kala kulmay roobab da’ay

0
273

Dadka ku nool magaalada Nairobi ayaa ku soo toosay subaxnimadii sabtida roob aad u daran oo habeennimadii xalay ka da’ay magaalada kaas oo sababay in qeybo ka mid ah magaalada ay biyo fariistaan, isu socodkii gaadiidkana uu curyaamay.
Roobabkan oo bilaawday galinkii dambe ee shalay ayaa ilaa xalay saqdii dhexe ka da’ay caasimada, waxaana roobabkan ay sababeen daadad baahsan oo ku soo rogmaday waddooyinka waaweyn ee dhexmara xarunta ganacsiga ee Bartamaha (CBD), kuwaas oo ku qasbay gaadiidleyda iyo dadka lugeynaya in ay maraan biyaha dhexdooda.
Isku socodka dadka iyo gaadiidka ayaa sidoo kale saameyn xooggan ku yeeshay wadooyiinka isku xirta Nairobi, halkaasoo daadadku ay hakad galiyeen habsami u socodka gaadiidka, waxayna sababeen cariiri saacado badan qaatay.