Waaxda dambi baarista ee dalka (DCI) ayaa xiray shan tuhmane oo lala xiriirinayo baaritaanada socda ee ku saabsan eedaymaha musuqmaasuqa ee ka dhanka ah ceymiska Caafimaadka Bulshada ee (SHA).
Eedeysanayaasha xarigooda ayaa lala xiriirinayaa faylal ay u gudbiyeen SHA iyo Golaha Dhakhaatiirta ee Kenya (KMPDC).
Bayaan ay soo saartay DCI ayay ku sheegtay in xariga uu daba socday baaritaan xooggan oo lagu sameeyay 1,188 faylal oo laga helay labo wakaaladood 1-dii bishii Sebtember ee sanadkan 2025-ka.
Sida laga soo xigtay DCI, tuhmanayaasha ayaa wajihi doona eedeymo badan oo hoos yimaada Xeerka Ciqaabta, Habka Dembiyada iyo Sharciga Ka-hortagga Lacag-dhaqidda, Sharciga Caymiska Caafimaadka Bulshada, iyo Sharciga Ka-hortagga Musuq-maasuqa iyo Dambiyada Dhaqaalaha.
Shanta eedeysane ayaa hadda xabsiga ku jira, waxaana la filayaa in maxkamad la soo taago maalinta Isniinta ee taariikhdu ku beegan tahay 6-da October.