DHEGEYSO:Kindiki oo sheegay in ay ku dadaalayaan sidii uu Kalonzo ugu soo biiri lahaa dowladda

0
262

Madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Abraham Kithure Kindiki ayaa sheegay in ay socdaan dadaallo ku aaddan sidii madaxa xisbiga Wiper Patriotic Front, Kalonzo Musyoka looga dhaadhicin lahaa inuu ku biiro maamulka talada waddanka haya ee Kenya Kwanza.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tani looga gol-leeyahay badbaadinta sumcadda siyaasadeed ee Kalonzo.
Kithure Kindiki oo ku sugnaa ismaamulka Kitui ayaa tilmaamay in hoggaamiyaha Wiper uu yahay qareen leh waaya-aragnimo siyaasadeed sidaasi awgeedna sida uu hadalka u dhigay uunan ku habboonayn mucaaradnimo.
Madaxweyne ku xigeenka qaranka ayaa dhanka kale ka digay siyaasadda ku saleysan qabyaaladda iyo kala qaybinta oo uu ku tilmaamay mid laga soo gudbay.