Diyaarad Raila gaysay Siaya oo burburtay

0
713

Afhayeenka madaxa xisbiga ODM Raila Odinga, Dennis Onyango ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in ra’iisul wasaarihii hore ee dalka uu badqabo ka dib markii maanta diyaarad gaysay Siaya ay burburtay.
Diyaaradda ayaa burburtay ka dib markii ay Raila ku dejisay dugsiga hoose dhexe ee Kudho ee deegaanka Gem ee ismaamulka Siaya.
Waxaa uu maanta madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta kala qayb galay barnaamijyo dhowr ah.
Qoraalka Dennis Onyango waxaa qayb ka ah in Raila ay diyaaradda oo ah nooca qummaatiga u kacdo ee loo yaqaano Helikobtarka ay afar qof oo kale la saarnayeen.
Burburka ayaa yimid ka dib markii diyaaraddu ay iskudayday in ay kacdo si ay nafaas u siiso diyaaradaha kale.
Ma jirto cid ku dhimatay balse waxaa ay dhaawacyo fudud soo gaareen duuliyihii iyo afarta rakaab ee kale.