Trump oo sheegay in heshiis lala galay aalada Tiktok si ay uga sii shaqayso gudaha Mareykanka

0
441

Mareykanka iyo Shiinaha ayaa heshiis wada gaaray si shirkadda TikTok ay uga sii shaqeyso Mareykanka, sida uu sheegay madaxweyne Donald Trump.
Aaladan baraha bulshada oo ay maamusho shirkadda Shiinaha ee ByteDance, ayaa loo sheegay inay hawlaheeda ka iibiso Mareykanka haddii kale ay halis ugu jirto in la xiro.
Balse maamulka madaxweyne Trump ayaa go’aankaas dib u dhigay isaga hadda shaaciyay in heshiis lala galay shirkadda.
Wargeyska Wall Street Journal ayaa sheegay in heshiiska ay ka wada xaajoonayaan Mareykanka iyo Shiinaha, ganacsiga Mareykanka ee TikTok ayaa waxaa maamuli doona shirkadda maalgashi oo ay ku jiraan shirkadda tignoolajiyada ee Oracle, shirkad gaar loo leeyahay ee loo yaqaano Silver Lake, iyo shirkadda raasamaalka Andreessen Horowitz.
Hay’ad cusub ee Maraykan oo lagu abuuray heshiiska ayaa maalgashadayaasha Maraykanka waxaa ay yeelan doonaan qiyaastii boqolkiiba 80 saamiga iyadhoo dowladda Mareykanka ay qayb ka noqoni doonto guddiga maamula shirkadda.