Guddoomiyaha KUPPET oo xaqiijiyay in Macalimiinta uu midkiiba helay 10,000 ka dib booqashadii State House

0
426

Guddoomiyaha Ururka Macalimiinta Dugsiga Hoose ee Kenya (KUPPET), Omboko Milemba, ayaa xaqiijiyay in macalimiinta booqday Aqalka Madaxtooyada Sabtidii 13-kii September, ay lacag ka heleen dowladda.
Wareysi lala yeeshay Talaadada maanta ah ayuu Milemba waxaa uu ku sheegay in 10,000 oo macalin oo ka soo qeyb galay kulanka mid kasta la siiyay 10,000 oo shillinka dalka ah.
Guddoomiyaha KUPPET ayaa carabka ku adkeeyay in la shaqaynta madaxweyne William Ruto ay inta badan ku qotonto wax ka qabashada daryeelka macalimiinta iyo arrimaha siyaasadda muddada dheer.
Qodobada la isla soo qaaday ayaa waxaa ka mid ahaa heshiiska wada xaajoodka ee CBA, kaasoo uu sheegay in dib u habeyn lagu sameeyay kadib wada hadal uu la yeeshay madaxweynaha.
Milemba ayaa sidoo kale xusay in ururka uu raadinayo dib u habeyn lagu maalgelinayo waxqabadyada manhajka, isaga oo tixraacaya caqabadaha jira.