DHAGEYSO:Mucaaradka iyo muxaafidka Soomaaliland oo shacabka ugu baaqay inay ammaanka doorashada ku dadaalaan

0
476

Ayadoo lagu wado in berri deegaanada Soomaaliland ay ka dhacaan doorashada isku sidkan ee Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada ayaa waxaa shacabka Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Soomaaliland loogu baaqay inay nabad Galyada ku dadaalaan shacabkuna ay codadkooda si saxan u dhiibtaan.
Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliland ahna gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Talada Soomaaliland haya ee Kulmiye Maxamad Kaahin ayaa shacabka Soomaaliland ugu baaqay inay nabad ku codeeyaan ayna ku dadaalaan in doorashadu noqoto mid ka turjumaysa Daganaanshaha iyo Nabadda Soomaaliland ka Jirta.

Sidoo kale Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka Soomaaliland ee WADANI iyo UCID C/raxmaan Ciirro iyo Faysal Cali Waraabe ayaa ayagana baaq u jeediyay shacabka