Ciidamada Israa’iil ayaa magaalada Qaza ku xiray 7 qof oo kalluumeysato ah.
Warbaahinta caalamiga ee Aljazeera qaybteeda Carabiga ayaa sidatan ku warramaysa.
Waxay intaasi ku dartay in shakhsiyaadkan lagu hayo meel aan la ogeyn.
Tan iyo markii uu billowday duullaanka militari ee Israa’iil ee gudaha Qaza, ciidamada ilaalada badda ee Israa’iil ayaa dhowr mar rasaaseeyay oo dilay kalluumeysato.