DHEGEYSO:Kulan ku saabsan maareynta ganacsiga mootada oo lagu qabtay Nairobi

0
644

Waxaa magaalada Nairobi lagu qabtay shir ay isugu yimaadeen saraakiisha ammaanka iyo mas’uuliyiinta ganacsatada mootada.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray sida lagu xakameyn karo falalka amni darrada ah ee dhaca iyadoo la adeegsanaya dhugdhugleeyda.
Waxaa la isku afgartay in qof kasta oo mooto ku shaqeysta uu xubin ka noqdo urur halka laga doonaya in wadaha mootada uu ku labisnaado darees gaar ah oo lagu aqoonsan karo.
Qaar ka mid ah wadayaasha mootooyinka ayaa lagu eedeyay in ay baabuurta dab qabadsiiyaan marka uu shil dhaco.
Taliyaha booliiska ee ismaamulka Nairobi, George Seda ayaa ganacsatadan ku boorriyay in ay si wanaagsan u shaqeystaan iyagoo aan ku xadgudbin xeerarka gaadiidka.

Waxaa sidoo kale , halkaasi hadal ka jeediyay guddoomiyaha ururka badqabka ee mootooleyda Kevin Mbadi .