Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku sugan wafdi ka socda Maamulka Koonfur Galbeed oo halkaasi u tegay xalinta Shaqaaqo dhex-martay mas’uuliyiinta ugu sareeya Maamulka degmadaasi.
Mas’uuliyiinta ayaa kulamo kala duwan la qaatay Maamulka degmada, Saraakiisha Ciidamada, Odayaasha Dhaqanka iyo waxgaradka Magaalada si xal looga gaaro dagaalada soo laab laabtay iyo isbaarooyinka yaal gudaha iyo daafaha degmada Walanweyn.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar Cabdi ayaa sheegay in kulamadii dhacay qaarkood ay ku guuleysteen in la qaado dhowr isbaaro oo dhibaato ay ku qabeen Bulshada degmada.
Wuxuu intaas ku daray in Saraakiisha Ciidamada ku sugan degmada Walanwey uu kala hadlay sidii hal goob loogu qaadi lahaa Canshuurta, isla markaana ay ku guuleysteen in dhamaan isbaarooyinkii la qaado hal meelna Canshuurta lagu qaado.
Ugu dambeyn Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar Cabdi ayaa sheegay inay ku guda jiraan xalka gaarista shaqaaqadii ka dhacday degmada Walanweyn uuna rajeeynayo in dhawaan ay xaliyaan.
Todobaadkii hore ayaa degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ku dagaalamay Ciidamo kala taabacsan Guddoomiyaha degmada Walanweyn Maxamed Siidow & kuxigeenkiisa Arrimaha Bulshada Axmed Kheyr Cabdow, iyadoo khilaafkooda uu salka ku haayo awood dhinaca Maamulka ah ee degmadaasi.