Mucaaradka dalka ayaa Dr. Mukhisa Kituyi u magacaabay afhayeenkooda iyo madaxa xoghaynta.
Waxaa uu horay u soo noqday Xogyaha Guud ee shirweynaha qaramada midoobay ee ganacsiga iyo horumarka ee (UNCTAD).
Waxaa magacaabidda Kituyi shaaca ka qaaday hoggaamiyaha xisbiga Wiper Patriotic Front ,Kalonzo Musyoka.
Madaxa xisbiga DCP Rigathi Gachagua iyo hoggaamiyaha xisbiga PLP ,Martha Karua ayaa sidoo kale xaqiijiyay magacaabiddan.
Dr. Kituyi oo intii u dhexeysay sanadkii 2013-kii ilaa 2021-kii ahaa Xoghayaha Guud ee UNCTAD ayaa sidoo kale soo noqday wasiirkii ganacsiga iyo warshadaha muddo dheerna xildhibaan ahaa.
Waxaa uu horay u soo hoggaamiyay machadka Kenya ee maamulka.
Waxaa uu sanadkii 2022-kii isku soo sharraxay xilka madaxtinnimo ee dalka in kastoo uu markii dambe tanaasulay oo uu taageeray Raila Odinga.
Dr. Kituyi ayaa culuunta sayniska iyo xiriirka caalamiga ka bartay jaamacadda Makerere University ee dalka Uganda wuxuuna shahaadada ugu sarreysa ee PhD ee dhaqanka bulshada uu ka diyaariyay jaamacadda Bergen ee dalka Norway.